Sida biyaha looga helo kulaylisadaada biyaha inta lagu jiro xaalada degdeg ah | Regional Water Providers Consortium Skip to main content

Sida biyaha looga helo kulaylisadaada biyaha inta lagu jiro xaalada degdeg ah

Sida biyaha looga helo kulaylisadaada biyaha inta lagu jiro xaalada degdeg ah

Sida biyaha looga helo kulaylisadaada biyaha inta lagu jiro xaalada degdeg ah

Marka ay jirto xaalad degdeg ah, sida roobka dabaysha leh ee jiilaalka ee daran ama dhulgariir, adeega biyaha ee gurigaaga waxaa laga yaabaa in aan si ku meel gaar ah loo heli karin.

Haddii ay taasi dhacdo, kulaylisada biyaha ee gurigaagu waxay ku siin kartaa with 30-80 gallon oo biyaha oo loogu talagalay in la cabo, wax lagu karsado, iyo nadaafadda. (Kulaylisada biyaha ee aan taangiga lahayn lagama helayo fursadani.)

 

Ka hor inta aadan biyo ka helin kulaylisadaada biyaha:

  • Waxaad heshaa kulaylisadaada biyaha: Sida caadiga ah kulaylisada biyuhu waxay ku taalaa halka hoose ama garaashka ee guryaha kaligood taagan, iyo qolka wax la dhigto ee abaarmanada iyo guryaha la farsameeyo.
  •  Waxaad xirtaa biyaha gurigaaga:  Qaadashada talaabadani, gaar ahaan marku uu dhaco dhulgariir weyni, waxay caawimaad ka geysan kartaa in la hubiyo in ay biyuhu ku jiraan taangigaaga, iyo in tayada biyaha aan wax loo dhimin ama aanay badbaado ahayn in la isticmaalo. Meelaha xaalada degdega biyaha laga xiro waxaa sida caadiga ah laga helaa halka hoose, goobaha la hoos maro, ama garaashka inta badan guryaha, ama bannaanka meel u dhow salka guriga. Isticmaal meeshan biyaha laga maamulo si aad u xirto biyahaaga guriga yimaada.

 

Tilmaamaha ku saabsan helitaanka biyaha aad ka helayso kulaylisadaada biyaha:

  1. Waxaad damisaa korontada kulaylisadaada biyaha. Talaabadani waxay u muhiim u tahay xaqiijinta badbaadadaada. Waxaa laga yaabaa in aad toosh, muraayadaha indhaha ilaaliya ‘safety goggles, gacmo gashi, iyo kaashawiito dhigato meel si fudud looga heli karo.

Kulaylisada biyaha ee korontada ku shaqeeya:  Waxaad xirtaa korontada kulaylisadaada biyaha adiga oo dhanka kale u leexinaya meesha saxda ah ee laga daaro/damiyo korontadaada. (Qaadashada wakhti ku filan si hab sax ah loogu aqoonsado halka saxda ah ee laga joojiyo isku socodka korontada ‘circuit breaker’ inta aan hawsha la bilaabin ayaa lagu talinayaa.)

Kulaylisada biyaha ee gaas ka dabiiciga ah ku shaqeysa: Waxaad heshaa meesha wax laga daaro/damiyo ee taala kulaylisada biyaha waxaanad dhaqaajisaa meesha wareegsan adiga oo ka dhigaya ‘pilot’ — si buuxda ha u xirin.

 

Diagram showing electric and gas water heaters and where to turn off power and water supplies, where to let air in, and where the drain valve is located

 

  1. Waxaad xirtaa kulaylisadaada biyaha ee biyuhu ka yimaadaan. Waxaad heshaa meesha biyaha laga xiro waxaanad u leexisaa u dhanka ka soo horjeeda habka ay saacadu u socoto ‘clockwise’ ilaa ay ka joogsato. Meeshan biyaha laga maamulo waxay sida caadiga ah ku taalaa korka sare kulaylisada biyaha.
  2. Ogolow in hawo gasho kulaylisadaada biyaha. Tani waxaad samayn karaa adiga uu furaya meesha yareysa cadaadiska ‘relief valve’ (meesha gacanta lagu qaybto dhanka kale si toos ah ugu leexinaya am dhanka dibada u leexinaya) taasi oo ku taala dhanka taangiga ama furaya qasabadaha biyaha diiran ee ku yaala meelaha muhiimka ah ama dabaqyada sare uu gurigaaga. Tani waxay caawimaad ka geysan doontaa in aad biyaha biyaha sii dayso kulaylisadaada biyaha.
  3. Waxaad heshaa meesha biyuhu ka soo shubmaan ee ku taala dhinaca hoose ee kulaylisadaada biyaha waxaanad biyaha ka sii daysaa taangigaaga hadba sida loogu baahdo. Waxaad weel nadiif ah hoos dhigtaa qasabada/tuubada biyuhu ka soo shubmaan si aad u qabsato biyaha waxaanad dhaqaajisaa qasabada/tuubada ama dhanka bixid u xir meesha biyuhu ka soo shubmaan ee ku taala kulaylisada biyaha. Ka taxadar, sababta oo ah waxaa dhici karta u biyuhu aad u kulul yihiin. Xirashada gacan gashi iyo muraayadaha/okiyaalaha indhaha badbaadiya oo loogu talagalay in ay ilaaliyaan ayaa lagu talinayaa. . Waxaad dhaqaajisaa qasabada/tuubada ama u xir dhanka midig si aad u joojiso socodka biyaha. Ku celi habkan hadba sida badanaa loogu baahdo ilaa taangigu ka noqonayo mid maran.

 

Daawee ama sifee wixii biyo ee aad u isticmaasho cabitaanka, diyaarinta cuntada iyo nadaafadda. Halkan waa ku qoran sida:

  •  Biyaha looga dhigo in ay karkaraan ugu yaraan ilaa hal daqiiqo. Loogu ogolaanayo in ay qaboobaan, ka dibna loo isticmaalayo.
  • Sida biyaha loogu shubo weel la nadiifiyay isla markaana loogu daaweeyo warankiilada/biliijta ka samaysan chlorine ee dareeraha ah ee aan urta lahayn. Si aad u nadiifiso weelka, si xoog leh u rux warankiilada/biliijta muddo ilaa 30 daqiiqadood ah (adiga oo isku daraya 4 koob oo biyo iyo 1 qaado oo warankiilo/biliij ah), adiga oo xaqiijinaya in la daboolay dhammaan meelaha dushooda. Warankiilada/biliijta leh ka soo shub weelka isla markaana hawada ku qalaji. Weelkaaga biyo ka buuxi isla markaana daawee adiga oo ku daraya 1/8 qaado oo warankiilo/biliij ah gallon-kiiba.
  • Isticmaal sifeeyaha biyaha oo kuu gaar ah si aad uga soo saarto wixii bakteeriyo ama deris-ku-noolayaal ah. Hubso in aad si taxadar leh u akhrido isla markaana u raacdo tilmaamaha shirkadda soo saaratay.

 

Talooyinka dayactirka kulaylisada biyaha

Dayactirka kulaylisada biyuhu wuxuu door muhiimka ka ciyaaraa helitaanka iyo tayada biyaha ku jira kulaylisadaada biyaha.

Si sax ah kulaylisadaada ugu xir derbiga iyada oo ay u badan tahay in ay tahay ku sii xirnaato derbiga iyo nidaamka biyahaaga.

Sanad kasta nadiifi kulaylisadaada biyaha. Samaynta tani waxay si aad ah hoos ugu dhigi karaa qiyaasta waxyaabaha biyaha hoostiisa ku samaysma, waxayna kor u qaadi kartaa tayada biyaha ku jira kulaylisadaada biyaha.